1209 Views

Wafdi Ka Socda Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Korjoogto Ka Ah Doorashooyinka Nigeria

Wafdi Ka Socda Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Korjoogto Ka Ah Doorashooyinka Nigeria
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 24, 2019 –Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey)  ayaa  korjoogta ka ah doorashooyinka ka socda Dalka Nigeria.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan  ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ka qeyb-qaadaneysa daabulidda agabka doorashada, tababaridda hawl-wadeennada KMG ah ee goobaha cod-bixinta iyo sidoo kale wada-shaqeynta Guddiga iyo daneeyayaasha doorashadan.

Ka sukow inay guddoomiyaha iyo wafdigeedu ay qeyb ka yihiin hawl galka Midowga Afrika ee korjoogteynaya doorashada dalka ugu dadka badan Afrika, waxaa sidoo kale arrintan guddoomiyaha iyo wafdigeeda ay u tahay fursad ay ku soo kororsadaan waaya aragnimo u fududeysa inay ka soo baxaan waajibka loo igmaday oo ah inay Soomaaliya ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.

Korjoogayaasha ayaa la filayaa inay warbixin dhameystiran kasoo saaraan markii ay Soo dhamaadaan doorashada ka socota Nigeria.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment