576 Views

Ku dhawaad 50 qof oo ku dhimatay Weerarkii xalay ka dhacay B/weyne..

Ku dhawaad 50 qof oo ku dhimatay Weerarkii xalay ka dhacay B/weyne..
____________________________________________________________________________


khamiis: March 24, 2022

Waxaa sii kordhay tirada dhimashada iyo dhawaaca ka dhashay weeraradii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa iyo 48 qof ay ku nafwaayeen weerarka 108 kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale weerarka waxaa ka dhashay burbur hantiyadeed oo soo gaaray dhismooyin iyo goobo ganacsi.

Isbitaalada ayaa lagu dabiibayaa dadkii ku dhaawacmay weerarka.

Sidoo kale Dadkii ku nafwaayay weeraradii xalay waxaa ka mid ah xildhibaan Aamino Maxamed oo maanta maydkeeda lageeyay magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post