1149 Views

Heesaa Nigerian ah oo loo xirey aflagaado la sheegay inuu u geystay Islaamka

Heesaa  Nigerian ah oo loo xirey aflagaado la sheegay inuu u geystay Islaamka
____________________________________________________________________________

Talaado: June 22 2021

Heesaa u dhashey Nigeria, kaasoo kusugan gobolka Kanu, ayaa la xirey, kadib markii loo arkey in hees uu soo saarey ay meel ka dhac ku tahay diinta Islaamka, in kastoo markii danbe lagu sii daayey damaanad.

Waxaa xirey sirdoonka qarsoodiga (DDS), kuwaasoo sheegay iney badbaadinayeen nafsada heesaaga, halka dhanka kalana ay dabaqayeen sharciga iyo kala danbeynta.

Hees magaceedu yahay “Barhama” – “gwaska” oo macnaheedu yahay “ninkii tayada aan xadka laheyn lahaa”, ayuu soo saarey heesaagan lagu magacaabo Ahma Abdul, oo 35 sano jir ah. Tani ayaa kicisay dareenka dadka, iyadoo Muslimiinta Kano ay u fasirteen in ninkani ka baxey heerka bani’aadamka caadiga ah.

Hey’adda faafreebka ee gobolka Kano, ayaa sheegtay iney soo gaareen dacwado dhawr ah, kuwaasoo loogga cabanayo heesta, halka markii danbe ciidanka sirta ay keentay iney xoriyada ka qaadaan heesaagan oo ay xiraan, si ay ugga hortagaan in isku dhacyo iyo buuq weyn halkaasi ka dhasho.

Intii uuu xirnaa Abdul ayaa u sheegay booliiska inaanu ku baraarugin in heesta ay liddi ku tahay mabaadiida diinta Islaamka. Wuxuu haatan u gudbiyey raali gelin buuxda heesaagan bulshada Muslimiinta iyo dowladda gobolka

Sanadkii ina dhaafey, Maxkamadda Shareecada ee gobolka Kano, ayaa ku heshay heesaa Yahya Sharif danbi ah inuu ku xadgudbtay diinta Islaamka, iyadoo ku xukuntay daldalaad, kagadaal markii uu soo saarey hees u muuqatey iney liddi ku tahay mabaadiida diinta Islaamka. Laakiin maxkamad ka sareysa tani ayaa burisay xukunkaasi, iyadoo kasii deysay xabsigii uu ku jirey heesaaga bishii January ee bilawgii sanadkan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post