1683 Views

Al-shabab oo sheegtay in Yusuf Dabageed ku weerartay Hiiraan

Al-shabab oo sheegtay in Yusuf Dabageed ku weerartay Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 23, 2018 –Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya,  waxa ay sheegayaan in Weerar Jidgal ah lagu qaaday Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka .

Weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Orotan oo u dhaxeeya Degmooyinka Maxaas iyo BaladWayne, sida wararku ay sheegayaan waxaa jira khasaare labada dhinac kala gaaray.

Wafdiga waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Harag Dabageed, waxaana socdaalka ku wehliya xubno katirsan Maamulka Gobolka.

Al-Shabaab ayaa warbaahintooda ku daabacay in weerarkaasi ku qaadeen Yuusuf Dabageed iyow afdi la socday .

Degmada Maxaas oo ay wafdigaan kusoo jeedaan, Duleedkeeda waxaa habeen kahor ka dhacay Dagaal Beeleed u dhaxeeyo Labo Maleeshiyo oo Deegaanka ah.

Maamulka Maxaas,  ayaa shalay dalbaday in la kala dhexgalo Maleeshiyo beeleedka, oo marar badan Halkaa ku dagaalamay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment