3765 Views

Wasiiro ka Tirsan Dowlada Cusub oo Cabasho ka Muujiyey Saacadaha Shaqada.

Wasiiro ka Tirsan Dowlada Cusub oo Cabasho ka Muujiyey Saacadaha Shaqada.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 26, 2017  –

Horaa loo yiri “waano abuurisaa ka horeysay”

Sida ay sheegayaan, warar aanu ka helnay ilo muhuum ah, ayaa waxa ay sheegayaan in  Wasiirada cusub Qaar ka mid ah ay Cabasho ka muujiyeen saacadaha Shaqada, iyagoo sheegay in ay joogaan Xafiisyadooda saacado badan, iyadoo aysan jirin wax shaqo ah ee ka socda Xafiisyada ay joogaan, waxaase amar lagu siiyey in wasiirkasta uu shaqada ka boxo waqtigii loogu tala galay, hadii ay shaqo jirto iyo hadii aysan jirinba.

Hadaba sida ka muuqata cabashada wasiirada, waxaad arkaysaa in aysan weli diyaar u ahayn wasiirada in ay joogaan Xafiisyadooda saacadaha shaqada, si loogu shaqeeyo dadweynaha.

Si kastaba, wasiir kasta wuxuu rabaa in uu joogo xafiiskiisa saacado kooban, kadibna uu ku mashquulo howlihiisa gaarka ah, waxaase iswaydiin mudan, saacadaha uu ka maqanyahay wasiirka xafiiskiisa yaa u shaqaynaya Shacabka, mise sidii caadada ahayd waxaa la rabaa in shacabka uu kaga lumo ama kaga dhumo waqti badan ku soo noq noqoshada xafiiska wasiirka.

War iyo dhamaan, shacabka waa in uu dareemaa in ay jirto dowlad u heelan u adeegida shacabka saacadaha shaqada, si loo dar dar geliyo Horumarka iyo waa jibaadka dowliga ah ee ay dadka iyo dalkuba u baahanyihiin.

Waxaa kaloo waajib ah “must” in aad loo yareeyo, waqtigii tirada badnaa ee Shacabka kaga dhumi jiray ku soo noq noqoshada xafiiyada Dowlada, iyadoo mararka qaar ay dhacdo in ay danta ku qasabto Qof shacab ah in uu Dhiibo LAALUUSH, si uusan marar badan ugu soo noq noqon Xafiiska uu danta ka leeyahay, sababtoo ah waxaa is biir sanaya duruufo badan oo kalifaya in uu qofka dhiibo Laaluush, waxaana ka mid ah duruufahas kuwan.

  • Qofka shacabka ah oo og in aysan HAL maalin, waxba ugu soo dhamaaneyn, laakiin waxaa xaqiiq ah, hadii si daacad ah loogu shaqeeyo, waa loo dhamayn karaa dantiisa qofka shacabka ah saacado gudahood.
  • Qofka oo aan waqti uhayn soo noq noqod badan, duruufihiisa gaar ahaaneed awadood.
  • Meelaha qaar oo aysan tagi Karin Shacabka, Arimaha Sakuritiga dartood, waayo hay’adaha intooda badan waxay degan yihiin, meelo aysan shacabka tagi Karin.
  • Waxaa caado noqotay in aan la siideyn ama loo ogolaan in ay galaan wasaradaha ay u socdaan shacabka, hadii aysan wadan Aqoonsi Dowladeed, Taasina waa aqoon daro iyo Tixgelin la’aan ay samaynayaan masuuliyiinta, waayo dadkoo dhan uma shaqeeyaan dowlada.
  • Dad waynaha waxay aad uga Cabteen in ay ku qaadado laba maalin arin loogu dhamayn karo laba saac gudahood, iyadoo aysan wax shaqo ah gacanta ku haynin shaqalaha jooga xafiiska, oo weliba ay Shee kaysanayaan ama haa saawayaan shaqaalaha jooga xafiiska.

Ugu dambeyn, waxaan Fariin Culus u dirayaa, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in ay Amar ku bixiyaan in shaqsi kasta uu joogo Xafiiskiisa saacadaha shaqada, si loo fududeeyo adeegyada ay u baahan yihiin Dadweynaha, si loo xadido waqtiga tirada badan ee ay shacabka ku bixiyaan, markii ay dan ka yeeshaan xafiisyada dowlada.

Waxaa xaqiiq ah dadka qaar in ay  dhib ku tahay in uu ku soo noq noqdo dhowr jeer xafiiska, Duruufo dhaqaale, Sekuuritiga iyo helida Gaadiidka aawadeed.

Shacabka waa in uu dareemaa in ay iyaga leeyihiin Mudnaanta Koowaad, Shaqsigii aan ugu Qidmayn sida saxda ah ee ay mudanyihiina, waa in uu ku waayaa Shaqadiisa, waayo dowladi majiri karto Shacab la’aan, Mushaarna lama heli karo CANSHUUR la’aan!!!

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment