1842 Views

Golaha Hogaaminta beelaha Habargidir oo ka digay Colaad ay Hurinayaan fahad Yaasiin iyo farmaajo, Daawo

Golaha Hogaaminta beelaha Habargidir oo ka digay Colaad ay Hurinayaan fahad Yaasiin iyo farmaajo, Daawo
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Golaha Hogaaminta beelaha Habargidir, waxayna ka hadleen xaalada siyaasadeed ee ka jirta Soomaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo khilaafka madaxda sare, ayaga oo taageero u muujiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa goobta ka hadlay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Beesha H/gidir Prof shirwac, waxa uuna fariin u Diray Villa Soomaaliya., gaar ahaan Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

“Waxaa u arkeynaa cidda ka hortimaada in waddanka uu dowlad yeesho Qaswade anagana ma taageereyno, waxaa rabnaa in doorashada u dhacdo hanaankii lagu heshiiyo, ciddii ku guuleysaneysa ha ku guulaysate,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxay bogaadiyeen dadaalada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku rabo in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, laguna wada qanacsan-yahay, ayaga oo taageero u muujiyey in Kiiska Ikraan si cadaalad ah loo qaado, iyo go’aanka uu ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post