1848 Views

Banaanbixii shirka London oo fashil kudhamaaday

Banaanbixii shirka London oo fashil kudhamaaday
____________________________________________________________________________

London | QOL | Febaraayo 7, 2019 – Banaanbax looga soo horjeedo Shirka lagu suuqgeynaayo Shidaalka Soomaaliya ee goor dhow ka furmay Magaalada London ayaa ka socda Iridda Hore ee xarunta lagu shiraayo.

Dad Soomaaliyeed oo sida ay sheegeen, kala yimid dalalka Yurub ayaa hor-taagan halka uu shirku ka socdo, waxaana ay sheegayaan in ay si weyn uga soo horjeeddaan in la beeciyo Kheyraadka Soomaaliya xilli aysan jirin dowlad xooggan.

Si kastaba, dibadbaxayaahsa ayaa aad uga yar sidii la filayey. Ayada oo maalmahan ay socdeen guuxyo ku saabsan banaanbax bax xooggan oo la qorsheynayey, ayaa dadka kasoo hor muuqday hotelka ay u muuqdeen dad aad u yar, oo aan xitaa dhameyn 100 qof.

Qiyaas ahaan waxay u muuqdeen 50 ilaa 70 qof, inkasta oo aan tiro rasmi ah laga hayn. Si kastaba, waxaa macquul ah in dadka ay gadaal kasoo bataan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda ay dadaal ku bixisay sidii loo baajin lahaa dibadbaxa ama ugu yaraan loo yareyn lahaa saameyntiisa.

Shirkaan waxaa la soo bandhigi doonaa xirmooyin 50 (blocks) oo ah goobaha shidaalka ceegaaga ee Soomaaliya, kaasoo ah dhul ku teedsan 173,000 KM.

Qorsha lagu suuqgeynaayo ayaa socon doona ilaa 11 July 2019-ka sidda ay sheegtay Shirkadda wadda qorshahaan.

Shirkaan ayaa waxaa abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment