1056 Views

Jubbaland oo xaqiijisay in Qori AK ah lagu dilay Suldaan Rashiid

Jubbaland oo xaqiijisay in Qori AK ah lagu dilay Suldaan Rashiid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Nin hubeysan ayaa xalay Salaadii Maqrib kadib waxaa uu  Nabadoon Caan ka ahaa deegaannada Gobolada Jubbooyinka uu ku dilay Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Rashiid Dhurre Cumar ayaa xilligii la dilayay waxa uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Maqrib oo ku yaalla halka loo yaqaano Dalcad oo ka tirsan Xaafada Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in rasaas ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in Nabadoonka dilkiisa uu ka dambeeyay Nin sitay Qori AK47, sidoo kalena uu dhaawacay laba qof oo la socotay , isla markaana Ninkii ka dambeeyay falkaasi uu goobta ka baxsaday

 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hay’adaha Ammaanka faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dilka xalay Kismaayo loogu geystay Suldaan Rashiid Dhurre Cumar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment