1257 Views

Madaxtooyada Kenya oo Facebook ka saartay qoraal ay soo dhigtay oo ahaa in shirka rooble iyo Uhuru looga hadlay arinta bada.

Madaxtooyada Kenya oo Facebook ka saartay qoraal ay soo  dhigtay oo ahaa in shirka rooble iyo Uhuru looga hadlay arinta bada.
____________________________________________________________________________


Talaado: August 10, 2021

Qoraalkii ku saabsanaa in “Uhuru Kenyatta uu dalbaday in laga wadahadlo khilaafka xuduudda badda” ayaa wax laga bedelay.

Qoraalka oo Facebook la soo dhigay ayaa hadda laga saaray qeybtii ku saabsanayd muranka xuduudda badda.

Qoraalkii hore waxaa ku jiray: Uhuru wuxuu dalbanayaa in “si saaxiibtinimo ah xal looga gaaro khilaafka xuduudda badda” ee labada dal u dhexeysa, kaas oo yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku qaabilay madaxtooyadiisa magaalada Mombasa.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Rooble uu adkeeyay in “muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.”

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post