864 Views

Taliban: “Waxaan diyaar u nahay in aan la wareegno garoonka diyaaradaha Kabul”

Taliban: “Waxaan diyaar u nahay in aan la wareegno garoonka diyaaradaha Kabul”
____________________________________________________________________________

Axad: August 29, 2021

Khuburrada qaabilsan dhanka farsamada iyo injineerada Taliban ayaa diyaar u ah sidii ay ula wareegi lahaayeen garoonka diyaaradaha Kabul marka ay durbadiiba ka baxaan ciidamada Mareykanka, sida laga soo xigtay uruka Taliban oo hadda gacanta ku haya Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan Taliban ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in amniga garoonka diyaaradaha Kabul ay si buuxda ula wareegi doonaan haatana ay sugayaan in ciidamada Mareykanka ay isaga baxaan halkaas.

Taliban waxay sidoo kale sheegtay in maalmaha nagu soo aadan ay ku dhawaaqi doonaan xukuumad cusub.

Afahayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in qabsashada Afghanistan ay aheyd arrin kadis ah isla markaana ay jiraan caqabado yar yar oo hortaagan in lasoo dhiso dowlad.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay socdaan wadahadallo ay la yeelanayaan koox kasoo horjeedo Taliban oo ku sugan buuraha Panjshir.

Wuxuu intaa ku daray in Taliban ay ku rajo weyntahay in wadahadal lagu soo afjari doono khilaafka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post