1044 Views

MD Farmaajo”Dadka mucaaradka ah Dowladda waxaa ay ka dhigaan Cadaw”

MD Farmaajo”Dadka mucaaradka ah Dowladda waxaa ay ka dhigaan Cadaw”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in lagu wacyigeliyo waxa ay tahay wadaniyad iyo dowladnimo.

 

Waxaa uu sheegay in dadka ay dowlad u heystaan wax uu qof gaar ah leeyahay,hayeeshee dowladnimadu ay tahay qof walba loona baahan yahay in la wada ilaashado.

 

“Dadka mucaaradka ku ah dowladda wax kale ayay ka dhigaan oo Cadaw ayay ka dhigaan,laakin dowladdu waa wax dadku ay leeyihiin oo hadaan la wada ilaalin ay noqoneyso inay naga wada lumaan waana in la helaa dad dadka ku wacyigeliya wadaniyadda & dowladnimada ayuu yiri” Madaxweyne farmaajo.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa hadalkaan waxaa uu sheegay xilli uu booqdey qeyb lagu soo kordhiyey Warbaahinta Dowladda.

.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment