2925 Views

Ciidanka Danab oo howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid Jubbooyinka

Ciidanka Danab oo howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid Jubbooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 7, 2018 – Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo waxay ka wadaan degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana halkaasi ay ku burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay lahaayeen.

Waxay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab ku dhawaad 20 qof oo la xiriirinayo inay ka mid yihiin Shabaab, iyaggoo  baaris ku wada, si loo kala saaro.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid oo la haday warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka.

cidanka-danab-jubooyinka-4 cidanka-danab-jubooyinka-3 cidanka-danab-jubooyinka-2 cidanka-danab-jubooyinka-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment