792 Views

Xildhibaano sheegay in Farmaajo ay kula xisaabtamayaan diyaaradii ku dhacday Bardaale

Xildhibaano sheegay in Farmaajo ay kula xisaabtamayaan diyaaradii ku dhacday Bardaale
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 09  2020–Xildhibaano ka tirsan labadda Aqal labadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay kula xisaabtami doonaan sababta Ciidamo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo Itoobiyaan ay gacanta ku haayeen Garoonka Bardaale.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dalka soo galiyay Ciidamo ku xadgudub Madax banaanida Soomaaliya.

Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in kulamada ugu horeeya ee labadda Aqal ay uga hadli doonaan dhibaatadii ka dhacday Bardaale.

“Madaxweyne Farmajo, hada waan fahaney waxa adiga iyo Abiy Ahmed idinka dhaxeeyo aad BFS iyo umada Soomaaliyeed kaqarineysey inaad usharaxdo laakiin Ilaah ayaa banaanka keeney ceebtaada. Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed na waxay qaadi doonaan goaano sharci oo kadhan ah ku xad gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga Berdaale kudul daadisey” ayuu yiri Senator Ilyaas.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Soo gelitaanka Ciidanka Ethiopia ee aan qeybta ka aheyn AMISOM waxay si cad uga soo horjeedaa sharafta iyo madaxa banaanida dhulka Soomaaliyeed.

Warqad kasoo baxday taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliska AMISOM uusan wax lug ah ku laheyn diyaaradii gargaarka siday ee dhawaan lagu soo riday degmada Bardaale ee gobolka Bay.

AMISOM waxa ay cadeysay in diyaaraddaasi la toogtay falkaasna ay ka dambeeyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Bardaale

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment