381 Views

Al-Shabaab oo qaraxyo ka gaysatay Degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan

Al-Shabaab oo qaraxyo ka gaysatay Degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Arbaco: JANUARY 4, 2023

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka Subaxnimadii hore labba qarax ka gaysatay Degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

SONNA ayaa sidoo kale tabisay in guddoomiyaha Degmadda Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay warbaahinta Qaranka uu sheegay in Qaraxyaddu sababeen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah,ayna ku guda jiraan gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadda.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxyadan lala beegsaday goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad shacab ah ayna ciidamada ammaanka ay shaacin doonaan baaritaanno la xiriira weerarka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, warbaahinta afka kooxda ku hadasha ee SOMALIMEMO ayaa baahisay in hawgalladan lala beegsaday saldhigyada ugu waaweynaa ee ay deganaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post