975 Views

Ayax ku degay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan

Ayax ku degay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 23, 2019 | QOL |   –Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ayax uu ku degay qaar ka mid ah Gobolka Gobolka Hiiraan.

 

Ayaxa ayaa shalay ku soo degay deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen.

 

 

 

Dadka beeraleyda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda xalay ku degay ayaxaas ,iyagoo sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo.

 

Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud,waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku degayo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment