750 Views

Buula-berde oo ay isugu darsameen Abaaro darah iyo go’doominta Al-shabab

Buula-berde oo ay isugu darsameen Abaaro darah iyo go’doominta Al-shabab
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, abaarta ka jirta Soomaaliya waxaa la diiwaan-geliyay in ay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo qof, kuwaas oo u badnaa bulshada xoola dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah. Arrintan ayaa uga sii dartay bulshada nugul oo markii hore la tiicayey xaalado amni xumo iyo mid bini-aadanimo.

Iyada oo ay magaalooyinka qaar ay ku jiraan xaalad go’doomin ah, ayaa haatan waxaa ugu sii darsamay qulqulka barakacayaasha ka soo cararaya abaaraha daran ee ka jira dhulkii ay deganaayeen, kuwaas oo raadinaya meelo ay ku badbaadaan.

Magaalada Buula-berde waxa go’doomiyey sagaalkii sano ee ugu dambeeyey ururka Al-shabaab, waana meelaha ugu daran ee haatan ay abaaruhu u saameeyeen sida ugu adag. Magaalada oo markii horeba la tiicaysay qiimaha sarreeya ee raashinka, ayaa haatan waxaa ugu darsamay inay magaaladu martigelinayso barakacayaal tiro badan.

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post