1665 Views

Cabdalla Cabdalla oo laga saaray liiska Nabad Suggida Soomaaliya

Cabdalla Cabdalla oo laga saaray liiska Nabad Suggida Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2018 – Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdalla Cabdalla ayaa si rasmi ah looga saaray Liiska Hay’adda.

Cabdalla Cabdalla ayaa dhawaan eedeyn u soo jeediyay Hay’adda Sirdoonka Qaranka ka dib markii laga qaaday xilkii uu haayay.

Bogga Twitterka ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa la soo dhigay qoraal kooban oo cadeynaya in liiska Hay’adda Nabad Suggida Somaliya laga saaray Cabdall Cabdalla.

NISA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay, kadib markii Guddi loo xil saaray Baaritaanka eedeymo uu Sarkaalkaan u jeediyay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ugu dambeyn in Guddigaasi ay go’aamiyeen in laga saaro Liiska NISA.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment