711 Views

Banaanbax looga soo hor jeedo TPLF oo hadda ka socda magaalada Jigjiga

Banaanbax looga soo hor jeedo  TPLF oo hadda ka socda magaalada Jigjiga
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Wararka ka imaanaya Caasimadda deegaanka Soomaalida ee Jig jiga ayaa sheegaya in  Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaas ay  saaka isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee magaalada jigjiga si taaheero ugu miujiyaan ciidamada kala gedisan ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka TPLF.

Kumanaan qofood ayaa iskugu soo baxday halkaas, kuwaas oo ka soo hor jeeda Duulaanka iyo Guulaha TPLFta,  isla markaana lagu canbaareenayo gulufka Falaagada TPLF ay ku hayso deeganada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

Sidoo kale Madaxda deegaanka oo ka qeyb galaya dibad baxaan lana hadlayay shacabka ayaa ka hadlay hagardaamooyinkii ay TPLF u geysatay shacabka Deegaanka Soomaalida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post