345 Views

Shirka ka jawaabista Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
____________________________________________________________________________

Talaado: 31 Jannaayo 2023

Kulan wadatashi oo heer farsamo ah oo looga arrinsanayay sidii loo nidaamin lahaa “hore-uga-jawaabista xasaradaha haqab-beelka cunnada soomaaliya” oo ay ka qeyb galeen hay’adaha, wakaaladaha iyo saaradaha kala duwan ee wadajirka uga howlgala arrimahan, deeqbixiyeyaal iyo hay’ado ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada iyo horumarinta ayaa magaalada Mudisho lagu soo gabogabeeyay.

Kulanka oo muddo saddex maalin ah socday ayaa salka ku hayaa wadatashiyo laba-geesood ah oo ay dowladdu qabatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si loo horumariyo Qorshaha U Diyaargarowga Xasaradaha Cuntada ee Soomaaliya (FSCPP) oo ay hoos-tagayaan wasaaraddaha beeraha iyo waraabka; Qorshaynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, lalana kaashanayo Bangiga Adduunka iyo saaxiibada kale iyadoo loo marayo Mashruuca Soo-kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP).

Shirka wadatashi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira kuwo farsamo iyo kuwo siyaasadeed ayaa looga hadlay wada-shaqeyn dhanka farsamada ah, ayadoo sidoo kale intii kulanku socday fursad la siiyey hay’adaha dowladda iyo daneeyeyaasha caalamiga ah si ay uga wada shaqeeyaan sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa qorshaha qabyo-qoraalka ah ee hadda lagu shaqaynayo, gacana ka geystaan sidii loo hagaajin lahaa qeybaha diyaarsan ee la soo jeediyey iyo sidii loo dhisi lahaa is-afgarad qeexaya tallaabooyinka xiga iyo waqtiga lagu hawlgelinayo qorshaha.

Agaasimeyaasha guud iyo wakiillo farsamo oo ka kala socda Wasaaradaha Dowladda, Waaxyaha iyo hay’adaha beeraha iyo waraabka, qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, xannaanada xoolaha iyo dhirta, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, xafiiska tirakoobka qaranka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale saaxiibbo ka socday FAO, UNICEF, iyo ururada bulshada rayidka ah, ayaa ka qayb galay Kulanka.

Geeddisocodka qorshaha horumarineed waa mid ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dowladdu hoggaamiso, daneeyeyaashana u oggolaanaya ka qeyb noqoshada iyo la socoshada. Sidoo kale qorshahan waxa muujinayaa muhiimmadda dhisidda awoodaha hay’adaha qaranka muddo kooban iyadoo diiradda la saarayo saddex arrimood:

1- FSCPP wuxuu sharaxayaa isku dubaridka hawlaha sida joogtada ah loo korjoogteeyo, loona ogaado dhibaatooyinka dhanka sugnaanta cuntada iyo nafaqada.

2- Qorshaha FSCPP wuxuu sharaxayaa in ay hannaan fulineed la yimaadaan dowladda, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibadada caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarka si loo qiimeeyo khataraha dhibaatooyinka imaan kara , waxna looga qabto dhan fulin iyo dhan dhaqaaleba.

3-FSCPP waxa uu sidoo kale qeexayaa nidaaminta shaqo iyo hab-maamuus ee ay marayaan mas’uuliyiintu si ay uga jawaabaan xaaladaha daran ee soo kordha, ayna u buuxiyaan meelaha bannaan fulin ama dhaqaale ahaanba.

Qorshahaan ayaa la rejeynayaa in la dhammeystiro bisha September, saanadka 2023, kaddib marka ay si rasmi ah u ansixiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee ka howlan ka jawaabista sugnaanta cuntada dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post