1104 Views

Xilliga la billaabayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Xilliga la billaabayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Axad: October 31, 2021

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in la xareeyo Ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka ku matala Gobolada Waqooyi si loo siiyo tababar la xiriira doorashooyinka, kaas oo socon doona muddo hal Maalin ah.

Ergada Maanta la xareeynayo ayaa waxaa la marsiiyay dhamaan shuruudaha ku qoran habraaca ay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, waxaana Ergada la bari doonaa sida loo codeynayo loona akhrin doonaa habraaca la soo saaray.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland Cabdishakuur Abiib Xayir ayaa sheegay in Maanta markii uu u dhamaado tababarka Ergada, doorashada labada kursi ay dhici doonta Maalinta Isniinta beri ah, kaas oo ay ku tartami doonaan Xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in inta badan kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ay yihiin Ergo wadaag, isla markaana Saddexda kursi ay hal Ergo dooran doonaan.

Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee ugu horreeya ayaa waxaa lagu bilaabi doonaa kuwa matala Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana xigi doona Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga, kuwaas oo dhamaantood doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post