1164 Views

DEG-DEG:-Koox hubeysan oo weerartay Hoteelka SYL

DEG-DEG:-Koox hubeysan oo weerartay Hoteelka SYL
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlay Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay qaab lug ah ku galeen Hotelka, waxaana ay dagaal la galeen Ilaalada Hotelka.

 

Dad ka soo badbaaday Hotelka ayaa sheegaya in mar kaliya ay rasaas maqleen, iyo gam gacmeed, kadibna gudaha u soo galeen rag hubeysan oo aan la ogeyn tiradooda.

 

Ragga hubeysan ee weeraray Hotelka SYL ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo isticmaalay xeelad ka duwan sidii looga bartay marka ay hotelada weerari jireen oo ahaa qarax inay ku furtaan albaabka.

 

Ciidamada ammaanka ayaa dhaq dhaqaaq aan caadi aheyn ka wada agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka rasaasta ka socota.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment