1158 Views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo oo  soo gaaray magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey madax ka tirsan Dowladda iyo xuno ka mid ah midowga musharixiinta.

Wafdigaan uu hogaaminayo madaxweynaha Jubbaland waxaa kasoo horeeyay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, wuxuuna qeyb ka dagi doonaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sida la sheegay.

Sidsoo kale Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post