432 Views

Tirada dadkii ku dhintay daadad iyo dhul go’ ka dhacay bariga Uganda oo gaadhay 20 qof.

Tirada dadkii  ku dhintay  daadad iyo dhul go’ ka dhacay bariga Uganda oo  gaadhay 20 qof.
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Tirada dadka la ogyahay iney ku dhinteen daadad iyo dhul go’ ka dhacay bariga Uganda ayaa gaadhay 20 qof.

Mutadawiciin iyo sidoo kale ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ayaa wajahaya xaalado adag iyaga ku howlan baadigoobka dad masiibadaasi ka badbaaday. Waddooyinka qaar ayaa ah kuwa aan lamari karin.

Muuqaallo baraha bulshadu la soo dhigay ayaa muujinaya daadad xawli ku socda, baabuur ay daadaka qarqiyeen iyo dhul-beereed ay biyo maansheeyeen.

Wabiyaal dhowr ah oo ku yaalla gobollada Bugisu iyo Sebei ayaa qarka jabsaday kadib roobab mahiigaan ah oo Sabtidii iyo Axadii halkaa ka da’ay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post