2514 Views

Dhaxal Suge ka Tirsan Sucuudiga Oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Dhaxal Suge ka Tirsan Sucuudiga Oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 06, 2017 —Ugu yaraan 8 Qof oo uu ka mid yahay Dhaxal Suge Mansuur bin Murqin ayaa ku geeriyooday Gobolka Asin ee Dalka Sucuudiga kaddib markii ay dhacday Diyaarad Helicopter ah oo ay wateen.

Warbaahinata Sucuudiga ayaa sheegeysa in Dhaxal sugaha uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Asin,sidoo kalena ay la socdeen Saraakiil Ciidanka ka tirsan,waxaana ay ku safrayeen Sohdinta Sucuudiga la wadaago dalka Yemen.

Dowladda Sucuudiga wali ma shaacin sababta ay diyaaraddaas u soodhacday waxaana ay sheegayaan in ay dib ka soo sheegayaan marka ay helaan Sanduuqa Madow ee xogta keydiya.

Lama xaqiijin karo in diyaaraddaas ay u dhacday Gantaal ay ku dhifteen Xuutiyiinta dagaalka kula jira dowladda Sucuudiga kuwaas oo Sabtigii Gantaal ku riday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Riyaad inkasta oo odlwadda Sucuudigu sheegtay in Gantaalkaas dhexda lagu qabtay oo uusan Khasaare geysan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment