723 Views

SAWIRO:-Waare oo Saraakiisha Ciidamada AMISOM kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

SAWIRO:-Waare oo Saraakiisha Ciidamada AMISOM kala hadlay dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta kulan kula qaatay Aqalka Madaxtooyada HirShabeelle ee Jowhar Saraakiisha Ciidamada Burundi ee AMISOM ee ka howlgalLa Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Arimo la xiriira Amniga Deegaanada HirShabeelle iyo sidii loo fulin lahaa howlogal ka dhan ah oo la isugu furaayo wadooyinka deegaannada Hir-Shabeelle.

 

 

 

Madaxweyne Waare ayaa uga mahad celiyey Ciidamda AMISOM gaar ahaan kuwa Burindi sida ay uga qeyb qaadanayaan dagalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanno ka tirsan Hir-Shabeelle.

 

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay xiriir wadashaqyen ah la yeelan doonaan Ciidamada kala duwan ee ka howlgalla Hir-Shabeelle,isla markaana ay kordhin doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment