294 Views

Madaxweynaha Ivory Coast oo qaabilay ciidamadii ku xirnaa Mali ee lasoo daayay

Madaxweynaha Ivory Coast oo qaabilay ciidamadii ku xirnaa Mali ee lasoo daayay
____________________________________________________________________________

Axad: January 8, 2023

Hogaamiyaha Ivory Coast ayaa dalkiisa ku soo dhaweeyay tobaneeyo askari oo ku xirnaa Mali, isagoo sheegay inuu rajeynayo in uu soo laaban doono xiriirka labada dal.

Madaxweyne Alassane Ouattara ayaa qaabilay 46 ka mid ah ciidamada markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Abidjan.

Waxa uu sheegay in hadda la soo afjaray xiisadii ka dhex taagneyd labada dal. Khilaafka ayaa cirka isku shareeray kadib go’doominta caalamiga ah ee la geliyay taliyayaasha militariga Mali.

Askarta Ivory Coast, oo la haystay tan iyo bishii July, ayaa cafis loo fidiyay Jimcihii.

Toddobaad ka hor, waxaa lagu xukumay labaatan sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen amniga gobolka.

Dowladda Ivory Coast ayaa sheegtay in ciidamada loo diray Mali si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Qaramada Midoobay ee halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post