1062 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Kusii Jeeda Magaalada Garoowe

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Kusii Jeeda Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 04, 2019 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socoda waxa ay ku wajahan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe waxaa uu kaga qeyb geli doonaa Shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isla markaana la isugu yeeray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Shirkan u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka u dhexeeya labada dhinac iyo arrimo kale oo ku aadan siyaasada dalka.

 

Shalay ayaa waxaa Magaalada Garoowe gaaray Madaxda Maamul Goboleedyada sida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana weli gaarin halkaasi Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isna kusii jeeda Maanta,waxaana Garoowe shalay gelinkii dambe gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe  ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana meel walbo la dhigay Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay sugida amniga Magaalada inta uu socdo Shirkaasi Maanta ka furmaya Garoowe.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment