1092 Views

SAWIRO:-Mas’uuliyiin kormeerey Xarumo lagu karantiilo Dadka looga shakiyo COVID19

SAWIRO:-Mas’uuliyiin kormeerey Xarumo lagu karantiilo Dadka looga shakiyo COVID19
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Arbaco    , March 25, 2020 —Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Xubno la socda ayaa waxaa ay Maanta kormeer ku tageen Xarumo lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Cudurka COVID 19 oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

 

Xarmaha ay booqdeen mas’uuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah Isbitaalka Martiini iyo goobo kale,iyaga oo hadalo isugu jira wacyi gelin iyo dardaaran u jeediyey Shaqaalaha Caafimaadka ee ku sugan Xarumahaas.

 

“Waxa aan maanta booqasho ku tagnay Xarumaha caafimaad ee loo diyaarinayo bukaanada ay suuro galka tahay in looga shakiyo ama laga helo cudurka coronavirus Alle kuma keenee,waxaana ka mid ah Hospital Martiini oo aan dooneyno in aan dib-u-dhis ku sameyno qeybaha bur-bursan ee Hospital ka, sidoo kale waxa aan booqanay goobaha hada diyaarsan ee Karantiilka loogu talagalay ayuu yiri”Wasiir Beyle.

 

Xarumaha loogu talo galey in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Cudurka COVID 19 ayaa waxaa horey u booqdey madax ay kamid yihiin,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo mas’uuliyiin kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment