693 Views

Afhayeen xukuumadda Maclimu oo ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka

Afhayeen xukuumadda   Maclimu oo ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka
____________________________________________________________________________

.

Talaado 9  Febraayo Qaranimo Online

Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabatya hadalo ka soo yeeray xubnaha mucaraadka oo sheegay in aysan Maxamed Cabdulahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta mucaaradka ah iyo dawlad goboleedyada Soomaaliya qaarkood ayaa sheegay in mar hadii ay dhamaatay muddo xileedkii xukuumadda federaalka ah ee dalku aanay aqoonsanayn sharciyadda madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Afhayeen xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Maclimu ayaa ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka.

Mr Maclimu ayaa intaa ku daray in uu jiro qaraar iyo xeer ay horey u soo saareen golaha shacabka kaasi oo dhigaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan ilaa kuwa kale laga soo doorto.

” Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababtoo ah waxaa la ogyahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horey baarlamaanka hadda jooga ee 10aad ay u ansixiyeen labadiisa taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa badalaya oo kali ah baarlamaan la soo doortay hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid ,, ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

Mr Maclimu ayaa farta ku fiiqay in ilaa laga helayo madaxwayne iyo baarlamaan la soo doortay madaxda joogta ay xilka sii hayn doonaan.

” Inta madaxwayne laga dooranayo ama inta baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqeynaya baarlamaanka hadda jira,,” ayuu intaa ku daray Mr Maclimu.

Afhayeen xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Maclimu aya dhanka kale sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wadahadalo lagu xalinayo ismari-waaga siyaasadeed ee taagan.

” Wixii kale ee wadahadal ah dowladda diyaar ayay u tahay inay wadahadal la gasho cid walba, tanaasulaad badan oo is xig-xiga ayay madaxdu sameysay, soomaalida waxay dhahdaa xujo ma falantee xaajo falanta, marka meeshaas xaajo ma oolin laakiin had iyo jeer dowladdu diyaar ayay u tahay,” ayuu yiri mr Maclimu.

Mr Maclimu ayaa dhanka kale ka digay in shacabka qalqal iyo cabsi lagu abuuro.

“Waxaan rajeynaynaa in wax waliba dhammaan doonaan, laakiin cabsida iyo qalqalka shacabka lagu abuurayo ma aha mid meesha yaalla,,” ayuu yiri.

Waxaa jira dadaalo ay beesha caalamka waddo kuwaasi oo lagu doonayo in wadaxaajoodyada doorashada dib loo furo.

Muudo xileedka Mxaamed Cabdulahi Framaajo ayaa dhammaaday islamarkana ma jiro heshiis siyaasadeed oo ilaa iyo imika laga gaaray oo arrimaha doorashada.

Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyay wadamada taageera Somaaliya iyo waliba shacabka soomaliyeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post