1335 Views

Baarlamaanka Puntland oo Guddoomiye Cusub doortay

Baarlamaanka Puntland oo Guddoomiye Cusub doortay
____________________________________________________________________________

Garoowe  | QOL | November 14, 2019–Magaalada garoowe ee Gobolka Nugaal waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kadib markii 7-dii Bishaan ay Baarlamaanka Maamulkaas xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodii Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

 

Doorashada oo ka dhacay hoolka Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

 

 

 

Wareega koowaad oo codeynta ayaa waxaa u soo gudbay musharixiinta kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 17,waxaana Wareego koowaad ku haray Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).

 

Wareega labaad oo doorashada ayaa waxaa ku tartamay  Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ku guuleystay 4 Sano ee soo socota Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil kaas oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  uu helay 17 Cod.

 

Guddiiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kaas oo bedelay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Maamulkaas Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment