957 Views

Dowladda oo War kasoo saartay xaalada Cafimaad ee Guddoomiye Yariisow

Dowladda oo War kasoo saartay xaalada Cafimaad ee Guddoomiye Yariisow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 31, 2019 —Waxaa soo hagaageysa xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha gobalka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, sida ay Warbaahinta Dowladda u sheegtay wasiirka Wasaardda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Qatar

 

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Xaaladda Caafimaad dad uu ku jiro Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng Yariisow ka soo roonaaneyso sidii hore oo ah markii laga soo qaadayay magaalada Muqdisho, waxayna dhaqaatiirta ku ammaantay daryeelka joogtada ah ay siinayaan dadka dhaawaca ah oo uu guddoomiyaha ku jiro.

 

 

 

Sidoo kale Danjiraya Dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Qadar ayaa asana dhankiisa sheegay in dhaawacyadaan lagu bixinayo dadaalkii ugu badnaa, haatana la dareemayo isbadal wayn.

 

11 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hatan lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla Magalada Doxa ee dalka Qatar,kuwaas oo ku dhaawacmay qarixii 24-kii Bishaan ka dhex dhacay Xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment