963 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Shalay xilli uu Warbaahinta kula hadlayay Ra’iisul Wasaaraha Magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay in uu dhawaan dhamaan tegi doono degaannada dowlad Goboleedyada ee lagu qabanayo doorashooyinka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post