957 Views

SAWIRO: Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta oo xilka la wareegay

SAWIRO: Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta oo xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa la wareegay xilka ka dib munaasabad Saaka ka dhacday Magaalada Muqdisho.

 

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha, waxaana uu kula dardaarmay in uu Mas’uuliyad iska saaro daryeelida  Ciidanka Asluubta iyo Maxaabiista ku xiran Xabsiyadda dalka ku yaalla.

 

Munaasabadda uu xilka kula Wareegay taliyaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda.

 

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa horay u ahaa taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment