2010 Views

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo xilka laga qaaday
____________________________________________________________________________

Muqdsiho | QOL | July 9, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xilka ka qaaday Wasiirka diinta xukuumadda Soomaaliya sidda baahisay Warbaahinta dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si toos ah uga aqriyay wareegtadada xilka looga qaaday Wasiirka Warbaahinta dowladda.

Xasan Macallin Xuseen ayaa lagu magacaabaa Wasiirka xilka laga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay bilooyin ka hor.

Xilkaas Waxaa si KMG ah u sii hayn doona wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir sidda uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

Waa Wasiirkii Labaad ee xilka laga qaaday ee Wasaaraddaasi soo mara tan iyo intii uu xilka qabtay RW Kheyre.

Xasan Macallin Xuseen oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilkaasi waxaa loo Magacaabay 24-May ee Sanadkaan 2018-ka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment