1119 Views

Khamri & Dad ka Ganacsanayay oo Dhuusamareeb lagu qabtay

Khamri & Dad ka Ganacsanayay oo Dhuusamareeb lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October15–2019 —Wararka laga helayo Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska degmadaasi ay fuliyeen howlgal lagu soo qabtay khamri farabadan & dad ka Ganacsanayay.

 

Howlgal qorsheysnaa ayaa la sheegay in Ciidamada Booliska ka fuliyeen Xaafado bartilmaameed ahaa oo ku yaalla Dhuusamareeb,kuwaas oo lagu sameyn jiray Khamriga laguna iibin jiray.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in saacadaha soo socda ay hay’adaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ay soo bandhigaan Khamriga,isla markaana meel fagaaro ah lagu burburiyo.

 

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka dad lagu soo qabtay,kuwaas oo lagu eedeeynayo inay ka ganacsanayeen,isla markaana sharciga loo gudbin doono.

 

Qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa horay loogas ameeyey howlgallo kala duwan oo ka dhan ahaa Khamriga iyo dad ka Ganacsanayey, iyada oo inta badan dadkii loo soo qabtay la xukumay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment