819 Views

Weerar sababay dhimasho oo ka dhacay MUDUG saakay

Weerar sababay dhimasho oo ka dhacay MUDUG saakay
____________________________________________________________________________

 Talaado: November 2, 2021

  Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar khasaare geystay oo saaka aroortii hore rag hubeysan ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya, kaas oo sababay dhimashada hal qof.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolaasi, kadib markii ay maleeshiyaad hubeysan dil ka geysteen.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warrmayaa in loo geystay nin ka mid ahaa dadka deegaanka, isla-markaana si weyn looga yaqaanay Dhagtuur oo dhacda koonfurta gobolka Mudug.

Marxuumka oo ahaa xoolo dhaqato ayaa la sheegay inay beegsadeen maleeshiyaadka hubeysan, iyaga oo kadib goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay ku baxeen falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan howl-gal lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan weerarkaasi sababay dhimashada ee saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee Mudug.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dilalka qorsheysan, waxayna salka ku hayaan aano qabiil oo ka taagan Galgaduud iyo Mudug.

By Istar Cabdi Yuusuf 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post