1950 Views

Carwo Lagu Soo Bandhigayo Wax Soo-Saarka Pakistan Oo La Qorsheynayo In Lagu Qabto Muqdisho

Carwo Lagu Soo Bandhigayo Wax Soo-Saarka Pakistan Oo La Qorsheynayo In Lagu Qabto Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 05, 2019 –Ku-xigeenka U-qeybsanaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan, C/fataax C/qaadir Osman ayaa qorshahaasi ka sheegay mar uu la kulmay Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee magaalladda Lahoor ee dalkaasi, wuxuuna xusay in  in Carwo si khaas ahaan loogu soo bandhigayo qeybaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka Pakistan lagu qabto Muqdisho bisha June ee sannadkan.

Ku-xigeenkaasi, waxa uu carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay inay labada Waddan yeeshaan Ganacsi toos ah, si ay ugu wada macaashaan, isago odhanka kale xusay in xilligan Badeecadaha dalka Pakistan ay Somalia ka soo galaan dalal kale.

Sidoo kale, Ku-xigeenka U-qeybsanaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan, C/fataax C/qaadir Osman waxa uu xusay inay tiro badan oo Soomaaliya wax ku bartaan dalka Pakistan, isla markaana ay 25 xubnood oo ka soo qalin jebisay Jaamacadaha Pakistan ay xilligan xubno ka yihiin Barlamaanka Federalka Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee magaalladda Lahoor ee dalka Pakistan, Fahiimul-raxmaan Saygal o oka hadlay Kulankaasi waxa uu sheegay inay leeyihiin Awoodda dalabka Ganacsatadda Soomaaliyeed, sida qalabka guryaha, Korontadda, Mootooyinka, Balaastikadda iyo xirmooyin kale ee Badeecadaha.

Si kastaba ha ahaatee,  Ganacsatadda Pakistan waxay Somalia u soo dhoofiyaan Bariiska, Sonkorta, wax-soo-saarka Daawooyinka iyo qalabka Caafimaadka, iyadoo is-dhaafsiga Badeecadaha ee labada waddan sare u kacay, isla markaana  uu gaaray 57.7 million oo Dollar.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment