816 Views

Shaqaaqo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde

Shaqaaqo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde
____________________________________________________________________________

Shaqaaqada oo dhalisay gacan-ka-hadal  ayaa waxaa ay dhex-martay Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya iyo Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka, kuwaas oo ku wada sugnaa Gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay gacan ka hadalka, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay sabab u ahayd kadib markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ay Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay raggan la wareegaan, balse ay shaqaalaha Waaxda Socdaalka diideen.

Shaqaaqada ayaa waxaa ka dhashay inay dhaawacmaan dhowr qof oo kamid ah dhinacyadii dagaalamay & burbur xoogan oo gaaray agabkii shaqada ee Garoonka, sida ay Risaala u sheegeen dad ku sugna xilliga ay dhaceysay shaqaaqada Gudaha Garoonka.

Taliyaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Gaashaanle Maxamed Aadan Koofi & mas’uuliyin kale ayaa gaaray Garoonka, kuwaas oo xal ka gaaray muranka gacan ka hadalka isku bedelay ee dhex-maray Ciidamo ka tirsan NISA & Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in shaqaaqada ay saameyn ku yeelatay muddo saacado ah Shaqada Garoonka wallow markii dambe ay xaaladda si caadi ah kusoo noqotay, waxaana siweyn looga dareemaya Shaqaaqada Gudaha Garoonka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post