261 Views

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo sheegay in wiilkiisa Janaraal Muhoozi Kainerugaba uusan mar danbe barta Twitter-ka kaga hadli doono arrimaha dowladda.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo  sheegay in wiilkiisa Janaraal Muhoozi Kainerugaba uusan mar danbe barta Twitter-ka kaga hadli doono arrimaha dowladda.
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 18, 2022

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in wiilkiisa Janaraal Muhoozi Kainerugaba uusan mar danbe barta Twitter-ka kaga hadli doono arrimaha dowladda.

Waxay arrintani ka dambeysay markii Janaraal Muhoozi Kainerugaba uu bartiisa Twitter-ka kuso o qoray in u uku duulayo Kenya isla markaana muddo 2 toddobaad ah uuku qabsan karo Nairobi.

Madaxweyne Museveni ayaa Kenya ka raalligeliyay hadallada wiilkiisa.

“Twitter-ka faraha ayuu kala bixi doonaa, waan ka wadahadalnay arrintaas, Twitter-ka dhib malahan, waxa dhibka keenaya waa waxa aad ku qorto Twitter-ka” ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo la hadlayay teleefishin maxalli ah.

Wuxuu intaa ku daray “ka hadalka arrimaha dalalka kale iyo inuu ka qeybgaato siyaasadda Uganda, waa wax ma dambe uusan sameyn doonin, mana sameyn doono”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post