639 Views

Sucuudiga oo shaaciyey in dumar qaangaarka loo oggolyahay in ay dalkaas muxram la’aan u safraan

Sucuudiga oo shaaciyey in dumar qaangaarka loo oggolyahay in ay dalkaas muxram la’aan u safraan
____________________________________________________________________________



Axad: April 10, 2022

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in dumarka qaan-gaadhka ah loo oggol yahay inay dalkaas u safri karaan iyagoo aanu la socon nin muxram u ah.

Markii hore, Sacuudiga ayaa qasab kaga dhigi jiray dumarka doonaya inay waddankaas u tagaan Cumro ama Xaj in uu la socdo muxram ama ay tahay haweeney da’deedu ka weyn tahay 45 jir isla markaana la socota dumar kale.

Wasaaradda arrimaha xajka iyo cumrada oo go’aankan shaacisay ayaan sheegin sababta xilligan keentay in dumarka loo oggolaado inay maxram la’aan tegi karaan Maka iyo Medina.

Hadaba maxaa lagu macnayn karaa in Qaanuunkii iyo fadwadii horay u jirtay la baddelo? Su’aashaas iyo kuwa kale ayaanu weydiinay Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ah Imaamka iyo Misaajidka Cumar Binu Khadaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post