699 Views

Rashford “ Marnaba raaligelin kama bixinayo midabka aan ahay ee aan u dhashay

Rashford “  Marnaba raaligelin kama bixinayo midabka aan ahay ee aan u dhashay
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Weeraryahanka xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Manchester United, Marcus Rashford ayaa raaligelin ka bixiyay kadib markii uu ku guuldareystay in uu dhaliyo rigoore ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Talyaaniga uu Ingiriiska kaga qaaday koobka Yurub 2020.

Rashford wuxuu sheegay in uusan marnaba raaligelin ka bixin doonin midibka uu yahay balse uu ka qoomameyno guuldarrada.

Ciyaartooyda kala ah Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka ayaa baraha bulshada kala kulmay falal cunsurinimo ah.

Saddexdaas ciyaartooy ayaa ku guuldareystay inay dhaliyaan rigoorayaasha.

Waxaan aqbalayaa dhaleeceynta la ii jeediyay gaar ahaan sida aan ciyaarta uga soo muuqday, rigoorihii in aan dhaliyo ayay aheyd balse ma dhicin, marnaba raaligelin kama bixinayo midibka aan ahay iyo halka aan kasoo jeedo” ayuu yiri Rashford.

Tababaraha xulka Ingiriiska Gareth Southgate ayaa dhankiisa sheegay midabtakoorka lagula kacay ciyaartooyda ay tahay arrin aanan la aqbali karin halka Ra’iisul Wasaaraha UK iyo xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ay cambaareeyeen falalka la kula kacay ciyaartooydaas.

Booliska London waxay sheegeen inay baarayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda.

Wuxuu taageerayaashiisa uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen” Waxaan ahay Marcus Rashford, 23 ayaan jiraa, waxaan ahay qof madow ah oo kasoo jeedo Withington iyo Wythenshawe ee koonfurta Machester, waxaan idiin kaga mahadcelinaya farriimaha aad igu taageerteen, waxaan soo laaban doonaa aniga oo awood leh”

Dhanka kale, Kaptanka xulka Ingiriiska Harry Kane ayaa ka hadlay midabtakoorka ka dhanka ah saddexda ciyaartooy.

“Ma tihiin tageeraayasha England, mana idiin rabno” ayuu yiri Kane oo u jawaabayay dadka ka dambeeyay falalkaas.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Waxay mudan yihiin in la taageero balse ma ahan in lagula kaco cunsurinimo”

“Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaraha UK.

Dhanka kale xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas.

Rashford wuxuu caawiyaa carruurta gaajeysan

Marcus Rashford ayaa sanadkii lasoo dhaafay sameeyay guddi-hawleed ay ku jiraan qaar ka mid ah shirkadaha cuntada ee ugu waaweyn Britain si ay isugu dayaan inay gacan ka geystaan yareynta saboolnimada iyo gaajada carruurta.

Wuxuu si guul leh ugu ololeeyay in ballaariyo mashruuc cunto bilaash lagu siin doono ku dhawaad 1.3 malyan oo carruur ah.

Rashford wuxuu sidoo kale sameeyay naadi qaabilsan waxbarashada carruurta saboolka ah si looga caawiyo helidda buugaagta si ay wax u bartaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post