2382 Views

Nin gaari ku dilay10 qof 16 kalena ku dhaawacay magaalada Toronto

Nin gaari ku dilay10 qof 16 kalena ku dhaawacay magaalada Toronto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 24, 2018 – Ugu yaraan 10 Qof aya ageeriyootay halka ay 15 kale ku dhaawacmeen kaddib markii Nin Gaari waday uu jiirsiiyay dad marayay waddada dhinaceeda Magalaada Toronto ee Caasimadda Dalka Canada.

Booliska Toronto ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay ay xabsiga dhigeen kaas oo lagu magacaabo  Alek Minassian,oo  25  jir ah.

Taliye ku xigeenka Booliiska Toronto Peter Yuen,ayaa ka codsaday Dadka ka agdhawaa xilliga falka in ay tagaan xarumaha baarista si ay booliska uga gacansiiyaan baaritaanka ay wadaan.

Maamulka Magaalada Toronto ayaa ku wargeluyay shacabka in waddada uu shilka ka dhacay ay muddo xirnaaneyso inta baaritaanka laga sameynayo islamarkaana loo sheegay in aanay marin.

Saraakiisha Amaanka Toronto wali lama caddeyn nooca weerarka in uu yahay mid argagixiso iyo in kale,waxaana ay Boolisku sheegayaan in ay arrintaas ku shaacin doonaan dhamaadka baaritaanka ay wadaan.

Ryder System Inc, oo ah sharikadda iska leh gaariga weerarka lagu geystay ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah Gawaarideeda gaar ahaan nooca la kireysto weerarkaas lagu geystay.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararaka | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment