684 Views

Masar oo shaacisay in uu fashilmay shirkii Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD ee socday maalmahan

Masar oo  shaacisay in uu fashilmay shirkii  Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD ee socday maalmahan
____________________________________________________________________________

\April 6, 2021  

War qoraal oo goor dhow ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu shaaciyey inaysan wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii lagu qabtay Caasimadda dalka Kongada Dimuqraadiga (DRC) ee Kinshasa.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Kulankii looga hadlay Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD ee ay ka qeyb galeen Wafuud Heer Wasiir oo ka kala socotay dalalka Masar, Sudan iyo Ethiopia aan wax Horumar ah laga gaarin xalinta Khilaafkaasi.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar waxay kaloo tilmaamtay inuusan Shirkii Kinshasa soo gebagebeynin Dib-u-bilaabista Wada-hadalkaasi.

Muranka Biyo-xireenka GERD ee u dhexeeya Masar, Sudan iyo Ethiopia waxa uu soo jiitamayey in ka badan 9 sano, mana muuqdaan Ifafaalo Xal Diplomaasiyadeed oo Heshiis loo dhan lagu gaari karo.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post