906 Views

App-ka Clubhouse: Barmaanij ay dadka qaar ku tilmaameen “fadhi-ku-dirirka” casriga ah ee Soomaalida

App-ka Clubhouse: Barmaanij ay dadka qaar ku tilmaameen “fadhi-ku-dirirka” casriga ah ee Soomaalida
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Waxaa maalmihii dambe aad loo hadal hayay app ama barnaamij cusub oo loogu magac daray Clubhouse, barnaamijkan ayaa waxa ku biiray Soomaali badan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin iyo aqooyahanno iyaga oo halkaas ku qabta kulamo ay dad badan ka qayb galaan.

Hadal hayn dhanka baraha bulshada gaar ahaan Soomaalida ayaa ka dhashay barnaamijkan.

Qaar ayaa qaba inuu yahay “fadhi ku dirir casriyaysan” halka ay kuwo kalana sheegeen in bulshada ay waxyaabo badan sida wacyigelinta u isticmaali karaan.

Dadka ugu saameynta badan ee soo gala barnaamijkan ka midka ah baraha bulshada waxay u badan yihiin shakhsiyaadka caanka iyo siyaasiyiinta.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku jira barnaamijkan oo ay mararka qaar kulamo ku qabtaan. Sidoo akle waxaa dhawaan soo baxay warar sheegayay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka mid yahay dadka siyaasiyiinta ah ee App-kan isticmaala.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa 6-dii bishan bartiisa Facebook dadka ku xiran ugu sheegay in ay kasoo qeyb galaan kulan ka dhacayay App-ka Clubhouse oo lagu sharraxayay shirkii ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda mucaaradka.

Haddaba muxuu yahay Clubhouse?

App-ka waa barnaamij ay bulshada ku wada xiriiri karto oo ku saleysan hab maqal ah, waxaana ilaa hadda ku biiray dad gaara 10 milyan.

Dadka isticmaala ayaa dhagaysan kara waraysiyada, wadahadallada iyo doodaha xiisaha leh ee ay u dhaxeeya dadka halkaas isugu yimid.

Si aad ugu biirto app-ka waa inuu qof kale kugu casuumo. Marka aad soo dagsato barnaamijkan ka hor inta aadan cinwaan samaysanin waa in aad casuumad ka hesho qof kale oo isticmaala app-ka.

Marka aad ku biirto, waxaad dooran kartaa mowduucyada ku xiiso geliyay sida tiknolojiyadda, buugaagta, ganacsiga ama caafimaadka.

Dadka isticmaala Android-ka oo ka badan kuwa haysta teleefonnada Iphone-ka ayaan weli adeegsan Karin app-kan.

Siduu u shaqeeyaa barnaamijkan?

Marka uu qof hory u isticmaalayay kugu casuumo inaad ciwaan sameysato waxaa telefoonkaaga gacanta kuugu soo dhacaya farriin ku hageysa.

Dadka isticmaala app-ka kuma casuumi karaan barnaamijka qof walba oo ay rabaan, hase yeeshe waxaa marka hore loo ogol yahay inay laba qof oo kaliya ugu yeeraan halkaas.

Barnaamijkan ayaa waxa ku socda isbadello, dadka hirgeliyay ayaana sheegay in sanadkan 2021-ka ay dhamaystiri doonaan dhammaan qaybaha ka dhiman ayna u fasixi doonan dunida oo dhan.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post