954 Views

Duqayn Gaystay Khasaaro 30 Dhimasho iyo Dhaawaca ah oo Ka dhacday Dalka Yemen

Duqayn Gaystay Khasaaro 30  Dhimasho iyo Dhaawaca ah oo Ka dhacday Dalka Yemen
____________________________________________________________________________

Sabti: January 22, 2022

Dayuuradaha dagaalka Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa duqaymo ka fuliyay xalay dalka Yemen.

Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay halka 170 kalena ay ku dhaawacmeen duqayntan oo lala beegsaday Xabsi ku yaalla gobolka Sacda.

Sidoo kale khadka Internetka ayaa gabi ahaanba ka maqan dalka Yemen ka dib markii uu isbahaysigu duqeeyay xarunta isgaariisnta ee Xudayda.

Arrinta ayaa imanaysa iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay baaqyo kala duwan ka soo saareen dhacdooyinka u dambeeyay ee dalka Yemen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post