819 Views

Diyaaradda Turkish Airlines oo dib u bilaabaysa Duullimaadyadii Somalia

Diyaaradda Turkish Airlines oo dib u bilaabaysa Duullimaadyadii Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-16-2020–Wasaaradda Gaadiidka dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay dib u bilaabeys duulimaadyada Caalamiga ah oo ay ku taegi jireen dalal dhowr ah oo ku yaalla, kuwaas oo loo hakiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dalka Turkiga, Adil Karaysmayoglu ayaa sheegay inay soo geb-gabeeyeen wada-hadallo ay kula jireen 92 dal,kaas oo ku saabsanaa dib u bilaabida duulimaayada ay dalalkaasi ku tegi jireen diyaaradaha Shirkadda Turkish Airlines.

Waxaa uu sheegay in duulimaadyada qorsheysan iyo kuwo aan qorsheysneyn intaba ay bilaawdeen 13-kii Bishaan si toos ahna ay u socon doonaan maadaama dhaqaalo farabadan uu dowladda kasoo geli jiray.

Dhinaca kale Madaxda Shirkadda Turkish Airlines ayaa waxaa ay sheegeen in dhaqaali yari ay soo wajahday Shirkadda wixii ka dambeeyay markii Cudurka Coronavirus ka dillaacay Caalamka, isla markaana ay khasaareen lacag dhan 2.23 Billion ee Lacagta Liiraha Turkiga (TL) oo u dhiganta 315.9 million oo Dollar.

Wadamada Diyaaradda Turkish Airlines ay safarka ku tegi jirtay ayaa waxaa kamid ah, Somalia, Jabuuti,Belgium, Sweden, Russia. Serbia, Senegal, Luxembourg, Masar, Libiya,Ukraine Lubnaan, Indonesia, Talyaaniga, Kuweyt, Kosvo, Albania, Algeria, Azerbajan, Austria,Bangaladesh, Belarus, Bosnia Herzegovina,Switzerland, Canada, China, Croatia, Denmark, Jarmalka, Faransiiska, UK, Greece, Hong Kong, Israel,. Ivory Coast, , Qatar, Poland, , The Netherlands iyo Maraykanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post