777 Views

Daalibaan ” Dhamaan ciidamada shisheeye waa in ay dalka ka baxaan xiligii loo qabtay

Daalibaan ”  Dhamaan ciidamada shisheeye waa in ay dalka ka baxaan xiligii loo qabtay
____________________________________________________________________________

Isniin: july 5, 2021

Ciidan kasta oo shisheeye ah oo ka ka baxa dalka Afgaanistaan wixii ka dambeeya muddadii gaashaanbuurta Nato u qabatay ee bisha Sebtember wuxuu dalku halis ugu jiraa in ururka Daalibaan uu qabsado.

Walwalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in 1,000 ka tirsan ciidamada Mareykanka lagu wado in ay ku sii nagaadaan dalka si ay u ilaaliyaan howlaha diblomaasiyadeed iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ee Kabul

Howlgalkii milatari ee Nato ay ka wadday dalka muddo 20 sano ah ayaa haatan dhammaaday,balse rabshadaha ka socda dalka ayaa sii kordhaya, iyadoo Ururka Daliban ay la wareegeen dhul badan.

Xilli ciidamada Afghanistan ay isu diyaarinayaan inay kaligood la wareegaan amniga,ayaa waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo mustaqbalka Kabul iyo halka uu ku dambeyn doono.

Afhayeen u hadlay Daliban oo lagu magacaabo Suhail Shaheen ayaa sheegay in qabsashada Kabul militari ahaan “aysan ahayn siyaasada Daliban”.

Balse isaga oo BBC-da la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin ciidamo shisheeye – oo ay ku jiraan qandaraasleyaal militari oo si joogaya magaalada.

“Waan falcelin lahayn go’aanka ugu dambeeyaana wuxuu la jiraa hoggaankeenna,” ayuu yiri Mr Shaheen.

Diblomaasiyiinta, iyo Hay’adaga NGO-yada ah iyo rayidka kale ee ajaanibta ah ma bartilmaameedsan doonaan Daalibaan, ayuu hadalka raaciyay loomana baahna awood ilaalin ah oo joogta ah.

“Waxaan ka soo horjeednaa xoogaga milatari ee shisheeyaha, ma diidno diblomaasiyiinta, NGO-yada iyo shaqaalaha iyo iyo safaaradaha shaqeeya – taasi waa wax ay dadkeenu u baahan yihiin. Wax khatar ah kalama hor imaan doonno,” ayuu yiri Mr Shaheen.

Mr Shaheen wuxuu ku tilmaamay ka bixitaankii todobaadkii hore garoonka diyaaradaha ee Bagram – oo mar ahaa saldhigii ugu weynaa ee militariga Mareykanka ku leeyahay Afghanistan – inuu ahaa “daqiiqado taariikhi ah”

Heshiis ay la galeen Daalibaan, Mareykanka iyo xulafadiisa Nato waxay ku heshiiyeen in dhammaan ciidamadooda laga saaro dalkaas iyadoo dhanka Daalibaana ay sameyeen ballanqaad ahaa in ay ka helaan ururka in aan loo oggolaan al-Qaacida ama koox kale oo xagjir ah in ay ka hawlgasho aagagga ay ka taliyaan.

Madaxweyne Joe Biden wuxuu muddeeyay 11 Sebtember – oo ah 20-guuradii ka soo wareegtay weerarkii 9/11 ee Mareykanka – in ciidamada Mareykanku ay si buuxda uga baxaan dalkaas, balse wararka ayaa sheegaya in ka bixitaanka laga yaabo inuu ku dhammaado maalmo gudahood.Mudane katirsan baarlamaanka Afghanistan oo ku hadlayay magaca dowlada Afghanistan ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada shisheeye uu ku sacdo si aan wanaagsaneyn.

Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Razwan Muraad, ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay wadahadal iyo xabad joojin ay Dalibaan la gasho haddii ay Daalibaana dhankooda diyaar u yihiin nabad ayna ka ka go’an tahay qaaditaanka tallaabadaas.

20 sano kadib maxaa laga dhaxlay duulaankii ciidamada reer galbeedka ee Afghanistaan?

Kadib 20 sano oo ay dalka joogeen, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska hadda waxaa ay doonayaan in ay isaga baxaan Afghanistan.

Madaxweyne Biden wuxuu ku dhawaaqay in 2,500-3,500 oo ah ciidamada Mareykanka ee ku harsan Afghanistan ay ka bixi doonaan marka la gaaro 11 bisha Sebtember ee soo aadan.

Dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale kala baxaya dalkaas 750- askari oo ku harsaneed.

Laga soo bilaabo weeraradii Al-Qaacida ee 9/11 ka dhacay Mareykanka, oo laga soo qorsheeyey lagana hagayey Afgaanistaan, ayaa keenay in Isbaheysigii uu hogaaminayay Mareykanku uu xukunka ka tuuro Daalibaan isla markaana si ku meel gaar ah Al-Qaacida looga saaro dalka Aghanistaan.

Dhaqaalaha 20-kaas sano ku baxay milatariga iyo ka qaybgalayaasha kale ee amniga wuxuu ahaa mid si aad ah u badan. In kabadan 2,300 oo askar Mareykan ah ayaa la dilay in kabadan 20,000-na waa la dhaawacay, oo ay weheliyaan in ka badan 450 ka soo jeeda UK iyo boqolaal kale oo kasoo jeeda wadamo kale.

Laakiin waaxaa la qaba dhibaatadaas Mareykanka iyo Ingiriiska Afgaanistaan , oo waxaa laga dilay in ka badan 60,000 oo ka tirsan ciidamada amniga iyo dad badan oo rayad ah .

Waxaa lagu qiyaasaa kharashka maaliyadeed ee canshuur bixiyeha Mareykanka in ku dhow hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Aynu wax yar dib u noqonno oo aan eegno sababta ay ciidamada reer galbeedku markii horaba u galeen dalka Afghanistaan iyo wixii ay damacsanaayeen.

Muddo shan sano ah, laga soo bilaabo 1996-2001, koox loo aqoonsaday argagixiso heer caalami ah, oo ah Al-Qaacida, waxay awood u yeelatay inay galangal u yeelato Afgaanistaan, markaas oo uu hoggaaminayay hogaamiyahoodii Al-qaacidda Osama Bin Laden. Ururkaasi wuxuu sameeyay xeryo lagu tababaro argagixisada, , waxayna qorteen qiyaastii 20,000 oo ah dad taabacsanaa oo ka kala yimid meelo kala duwan oo adduunka ah . Waxay sidoo kale qorsheyen weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadku markuu ahaa 1998, waxaan ku dhintay 224 qof oo u badnaa rayid Afrikaan ah.

Mareykanka, isagoo adeegsanaya xulufadiisa Sacuudiga, wuxuu isku dayay inuu ka dhaadhiciyo Daalibaan inay ka saaraan Al-Qaacida Afghanistaanbalse way diideen. Ka dib weeraradii 9/11 ee Sebtember 2001 bulshada caalamku waxay ka codsatay Daalibaan in lagu soo wareejiyo kuwii ka mas’uulka ahaa weeraradaas – laakiin markale, Taalibaan waa diiday.Dadka falanqeeya arrimahaan ayaa qaba in Afghanistaan halis ugu jirto in Daalibaan qabsato,taas oo saameyna ku yeelan karta wadamada dariska ah oo iyagu Daalibaan ka qaba aragtiyo kala duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post