1434 Views

Faa’idooyinka naasnuujinta u leedahay ilmaha

Faa’idooyinka naasnuujinta u leedahay ilmaha
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Toddobaadkan waxaa dunida oo dhan looga asteeyey maalinta naas nuujinta adduunka si bulshooyinka loogu dhiirrageliyo faa’idada ay carruurta u leedahay naas nuujinta habboon.

Ilmaha sida wanaagsan loo naas nuujiyana wuxuu helayaa faa’idooyin tira badan oo isugu jira mid jireed iyo mid maskaxeed.

Khubarada caafimaadkana waxay sheegayaan in aysan jirin wax caanaha naaska looga maarmi kara oo ilmaha yar u beddeli kara.

Dr Caasha Cumar Kabloow oo ah dhakhtarad ku takhasustay hooyada iyo dhallaanka oo ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa BBC uga warrantay faa’idooyinka naas nuujinta ay u leedahay hooyada iyo ilmaha.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post