540 Views

Booliiska Holland oo sheegay in qof nool ay ka soo saareen lugaha diyaarad caga dhigatay garoonka Schiphol ee magaalada Amsterdam, taas oo ka timid dalka Koofur Afrika.

Booliiska Holland oo  sheegay in qof nool ay ka soo saareen lugaha diyaarad caga dhigatay garoonka Schiphol ee magaalada Amsterdam, taas oo ka timid dalka Koofur Afrika.
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Booliiska Holland ayaa sheegay in qof nool ay ka soo saareen lugaha diyaarad caga dhigatay garoonka Schiphol ee magaalada Amsterdam, taas oo ka timid dalka Koofur Afrika.

Duullimaadyada Johannesburg ilaa Amsterdam ayaa caadi ahaan qaata 11 saacadood, iyadoo diyaaraddan oo ahayd mid rakaab la rumeysan yahay inay soo martay Nairobi, Kenya.

Waa wax aan caadi ahayn in dadkaku dhuunta lugaha diyaaradda hoostooda ay ku noolaadaan duullimaadyada saacadaha dheer qaata, sababo la xiriira qabowga iyo oksojiinka hooseeya ee hawada sare.

Ninkan dalka uu ka soo jeedo iyo da’diisaba weli ma aysan shaacin booliiska.

Lama oga in ninkan uu diyaaradda ka soo raacay Kenya amaba Koofur Afrika.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post