1011 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha DF iyo Madaxa Xukuumada Galmudug oo gaaray Matabaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha DF iyo Madaxa Xukuumada Galmudug oo gaaray Matabaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan degmada Matabaan oo xiisad colaadeed ay ka jirtey.

Wafdigan ayaa waxa ay ka tageen magaalada Dhuusamareeb iyagoo sii maray degmada Guriceel waxaana ujeedka safarkooda lagu sheegay inay la xiriirto sidii loo qaboojin lahaa xiisad colaadeed oo ka dhex taagan xoolo dhaqato ku nool deegaano ka tirsan degmada Matabaan.

Dhowaan ayaa dad ka badan lix ruux waxaa lagu diley deegaan ka tirsan degmada Matabaan kadib markii gaari ay ku safrayeen dadkaasi wadada loo galay.

Falka dilka dadkaa ayaa la sheegay inay salka ku hayso aano qabiil iyadoo hore dhowr jeer dilal kala gaar gaar ah ay deegaanadaas ka dhaceen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment